Wakhtiga Rasmiga Ah Ee Itoobiya Bilaabi Doonto Dhoofinta Shidaalka Oo La Shaaciyey
December 6, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Macdinta, Shidaalka iyo Saliidda Dabiiciga ee Itoobiya ayaa sheegtay Soo saarista Shidaalka Deegaanka Soomaalida laga helay in lagu soo gabagabeeynaya saddex sano.
Agaasinka waaxda maamulka shatiyada shidaalka ee wasaaradda Qasala Tadese ayaa sheegtay iney jiraan marxalado dhowr ah oo ka horreeya oo uu shidaalka soo saaristiisu marayo inta aan la isticmaalin ka hor.
Waxayna intaa ku dartay “in la qodayo boqollaal ceel oo kale isla-markaana la fulinayo mashaariic waaweyn oo dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha ah oo fududeynayo shidaalka in muddada looga tala galay dalku uu ku soo saaro.”