Akhriso Qodobadii Laga Soo Saarey Shirkii Nabadeyta Beelahii Ku Dagaalmay Koonfurta Gobalka Sool Ee Jig Jiga Gogoshiisu Taalay .
December 7, 2018 - Written by Berbera Today
Jig Jiga(Berberatoday.com)-Iyadoo 20 kii Maalmood ee ugu danbeeyey magaalada Jig Jiga ay dawlad deegaanka Soomaalida ay ka waday heshiisiinta iyo soo afjarida shaqaaqo beeleed u dhaxeeyey laba beelood oo colaadoodu daba dheeraatay khasaare badanna ay ka dhaliyey ayaa waxa la soo gebo gebeeyey shirkaasi , Shirkan oo ay dawlad deegaanku u xilsaartay gudi ka kooban 25 qof iyo min 21 ergey oo labada reer ee (Bahrarasame & Cabdi Garaad ) Waxaana laga soo saarey qodobadan :
1: In la bixiyo dhamaan wixii mag ah ee labadan beelood ay isu gaysteen oo ah 170 qof , lagana dulqaado culayska magtan . Waxaaana bixinaya Beel waynta Daarood .