Ujeedka Diblomaasiyiin Ku Soo Jeeda Magaalada Hargeysa Iyo Kulamo Ay La Yeelan Doonan Madaxweyne Biixi
December 8, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa u muuqda inaan weli lagu guulaysan in dib loo bilaabo, waxase socda dedaalo ay Qaramada Midoobay iyo dalal kale wadaan.
Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, ergayga Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom, ayaa kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, wuxuu labadoodaba kaga codsaday in dib loo bilaabo wada hadaladaas, waxaanu soo jeediyay in lagu qabto dalka Koonfur Afrika. Laakiin dedaalkiisa, ayaa inkastoo uu weli ku hawlanyahay haddana kumuu guulaysan in wakhti gaar ah oo loo qabto bilowga wada hadalada.