Maraykanka Oo Qorshaynaya Sidii Dib Loogu Bilaabi Lahaa Wada-hadaladii Somaliland Iyo Somaliya+Xogo Xidhiidhiyay Socdaalka Wasiirka Arimaha Dibada
December 8, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar laga hellayo ilo wareegyo ku dhow dhow diblomaasiyiin Reer galbeeda ayaa xaqiijiyay in maraykanku doonayo in xal kama danbays ah laga gaadho wada-haladda siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Xogahan ayaa sidoo kale tibaaxay in maraykanku doonayo in wada-hadaladda loo sameeyo jadwal cad oo leh wakhti bilow iyo dhamaad leh, isla markaana wata heshiis sharci oo bulshada caalamku goob joog ka ahaato.
