Siyaasi C/Raxmaan C/Shakuur Oo Soo Dib Ugu Soo Laabtey Muqdisho , Xili Mooshin Laga Gudbiyey Farmaajo Iyo Xildhibaanada Mucaaradka Oo Soo Dhoweeyay
December 10, 2018 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa saaka soo gaadhay magaalada Muqdisho, kaddib muddo lix bilood uu ka maqnaa Caasimadda dalka.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, gaar ahaan kuwa Mucaaradka ayaa ku soo dhoweeyay Siyaasiga mucaaradka qeybta VIP-da Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
C/raxmaan C/shakuur oo ay garbihiisa ka muuqdaan Xildhibaanada mucaaradka ayaa xillgan ka qeyb qaadanaya munaasabad lagu soo dhoweynayay oo ka socota degmada Hodan.