“ Turkiga U Dhiibi Mayno Dadkii Ka Danbeeyey Dilkii Wariye Jamaal Khaashuqji…” Dalka Sucuudiga
December 10, 2018 - Written by admin
Riyadh(Berberatoday.com)-Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa sheegtay inaysan u gacan gelin doonin xukuumadda Turkiga dadka looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilka weriye Jamaal Khaashuqji.
Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa shir jaraa’iid uu ku qabtay magaalada Riyaadh ka sheegay in aysan muwaadiniintooda u dhiibi doonin cid kale.
“Ma dhiibi doono muwaadiniintayada” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga, Caadil Al Jubeyr.
Caadil ayaa dhaleeceeyay sida Turkiga uu macluumaadka ula wadaagay boqortooyada Sucuudiga.