Dadka Kudhaqan Deegaamada Xeebta Galbeedka Gobolka Saaxil Uu Fara Baas Kuhayo Waraabe Dad Qaad Ahi
December 12, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Dadka Xoolo Dhaqatadda ah Ee Waqooyiga Xeebta Ceel-Sheekh,Fuguxo,Biyo-Cas,Haddeyta Ilaa Cabdi-Geedi Waxa Fara Baas Ku hayya Waraabe Ku Mamey Dhiiga Dadka Kaas oo Habeen Walba Weerar Ku Hayya.
Waxa jirta in ay U Sumeeyeem Adhi haseyeeshee, Aanu Dan iyo Muraad ka Galin Waxaanu Xaqiiqdii ka Jecelyahey Hilibka Dadka Kadib Markii uu Cuney Tiraba Caruur gaadheysa Ilaa Lix Caruur ah Waxaa ugu Naxdin Baddan Ilmo yar oo uu La Boodey Markii Aabaha Dhaley uu Ku Warhelay Qaylada iyo Bahalka Lasii Cararaya Markii uu kadaba Booday ayaa Waxa Qabsatey ‘Ooda’ Geedka Loo Yaqaan “Garanwaaga” Intii uu Oodaas iska Furayey Ayuu Qofkii Yarraa oo Wali Qelyeysa Hilbaheedii Mar Kaliya Liqey; Kadibna Aabihii Wuxuu Ku Cataabey Kalmad Ay aad uga Wada Naxeen oo aheyd “Bahalku Malaha Ilmaheygii Muu Cunine Wuu Cabey” Khusuusan Waxa Xusid Mudan Ilmahaa Yar Far kamid Jidhkeeda ayaa Mise Garab yar ayaa Dhulka Kaga Dhacey Waxaas oo Dhami Waxa ay Dhacayaan Niskii Dambe ee Habeenimo Daqiiqado Kooban.
Illaahay Waxaan uga baryeynaa in uu Ciyi Kheyr Qabba ugu Badelo Duqaa Bahalku ilmihiisa ku Hor Cuney, Bahalkaas Dad Cunka Noqdey ee Waraabaha ahna Ka Cidhib Gooyo, Aamiin.
Toddobaadkan Waxa Hargeysa Ku sugnaa Odey Allaale oo Isagana uu Madaxa Qabsadey Gabadh yar oo Toddoba Jir ah Allaale oo Katirsan Dadka Deegaanka Fuguxo, Waxa uu Duco qalbiga Kasoo Go,dey Illaahay uga Baryey Shakhsiyaad Soo Xusey Kadib Markii uu Fariin Waayihiisa iyo Xaalada Caafimaad ee Imihiisaa yar ee Waraabuhu Cuney, inkastoo uu Wali La Yaaban Yahey Xildhibaan Kasoo jeeda Beeshooda oo hadal xun oo uu ka naxey Ku Yidhi Kaas oo ah ‘Inanta yar ee Waraabuhu Cuney Geellaagii usoo Iibi” hadda Geel daayoo Adhi Malaha Illaahaw Naxariista hanaga Qaadin.