Madaxweyne Ku Xigeenadii Hore Ee S/land Oo Erego Ka Dhex Bilaabay Madaxweyne Biixi Iyo Madaxda Mucaaridka + [ Natiijada Kulmo Ay La Yeeshen Labada Dhinac
December 12, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku xigeenadii hore ee somaliland oo kala ah Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Xasan Ciise Jaamac iyo Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa hogaaminaya dedaalo la doonayo in layskugu soo dhaweeyo mucaaridka iyo muxaafidka oo ku kala fogaaday arimaha dib u dhaca doorashada.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne ku xigeenadii hore ee somaliland oo is xilqaamay ay go’aansadeen inay dhex galaan mucaaridka iyo muxaafidka isla markaana xal u raadiyaan waxyaabaha ay isku khilaafsan yihiin.