Ardayda Maqalka Naafada Ka Ah Oo Isku Soo Bax ka Dhigay Magaaladda Boorama
December 15, 2018 - Written by Berbera Today
Borama(berberatoday.comArdayda maqalka naafadda ka ah ee dhagooleyaasha ayaa mudaharaad ka dhigay magaalada Boorama, waxaanay diidanayeen maamulka dugsigoodoo oo ay sheegeen in aanu aqoon farta dhagooleyaasha.
Ardaydan ayaa boodhadh ay ku xardhan yihiin cabashadoodda ku soo bandhigay, waxaanay sheegeen in la takooreyo oo maamulka la keenay dugsigoodda aanu ahayn mid ay is fahmayaan.
Ardaydan isku soo baxa sameeyey ayaa dalbaday in dugsigoodda la ixtiraamo oo dawladdu aanay takoorin, waxaanay codsadeen in maamule fahmi kara loo keenno.