Taliska Ciidamada AMISOM Oo War Ka Soo Saaray Doorka Ay Ku Lahaayeen Xadhiga Mukhtaar Roobow
December 15, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Taliska ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa war kasoo saaray qalalaasihii ugu dambeeyay ee ka dhashay xariga Mukhtaar Roobow oo Khamiistii ka dhacay magaalada Baydhabo.
Qoraal kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay inaysan wax doo ah ku laheyn xadhiga Baydhabo loogu geystay Mukhtaar Roobow iyo usoo wareejintiisii magaalada Muqdisho oo hadda uu ku xidhan yahay.
Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeire ayaa sheegay in ciidamada AMISOM aysan door ku laheyn xadhiga Mukhtaar Roobow, wuxuuna sheegay inaysan marnaba ka gudbeyn howlgalka ay u joogaan Soomaaliya.