Dooni Siday Hub Iyo Rasaas Oo Lagu Qabtay Xeebaha Soomaaliya
December 15, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Dowladda India ayaa markale sheegtay in mid kamid ah maraakiibtooda dagaalka uu gacanta ku dhigeen doon kaluumeysi oo hub badan uu saarnaa, sida qoraal kasoo baxay Wasaarada difaaca hindiya lagu sheegay.
Markabka dagaal ee India oo lagu magacaabo Sunayna ayaa la sheegay in markale uu meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya ku qabtay doon Kaluumeysi oo hub lagu qariyay, taasi oo noqoneyso doontii Labaad oo ay qabtaan.
Qoraal kasoo baxay dowladda India ayaa lagu sheegay in markabkooda Doonta uu ku qabtay shan qori oo ay ka midyihiin AK47 iyo Rasaas gaadheysa 471 Xabo, waxaana ay sheegeen inay sii daayeen kooxda Hubka wadatay markii ay hubka ka reebeen.