Ciidamo Qorshaystay Inay Khaarajiyaan Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Xukun Lagu Riday
December 16, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Wasaaradda gaashaandhigga ee dolwadda Itoobiya ayaa sheegtay ciidama Kumaandoos ah oo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee ilaalada madaxtooyada oo damacsanaa iney ra’isal wasaaraha Khaarijiyaan in xabsi lagu xukumay.
Wasaaradda gaashaandhigga oo shir jaraa’id qabatay aya waxay sheegtay 66 askari oo Kumaandoos ah oo ka mid ah 200 oo askari iyaga oo hubkooda sita fasax la’aan madaxtooyada ku galay lagu xukumay 5 ilaa iyo 14 sano oo xadhig ah.
Madaxa maxkamadda ciidamada Gaashaanle Meshesha Areda oo ay wehliyaan xeer ilaaliyaha iyo qareenka u doodaya ciidamada oo shir jaraa’id qabtay ayaa wuxuu sheegay maxkamaddu iney xukunkaasi ku gaadhtay fadhi maxkamadeed oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 500 qof.