War Deg Deg Ah”Wasiirka Ka Tirsan Xukuumada Raysal Wasaare Khayre Ee Xamar Oo Hadda Is Casilay Iyo Sababta Uu Sheegay?
December 16, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Cabdifataax Ibraahim Geesey ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay inuu xilkiisa iska casilay.
Geesey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay dhibaatada ay dowladda Soomaaliya ku hayso shacabka reer Koonfur Galbeed, iyo in arrimaha maamulkaas aan lagala tashan xubnaha dowladda ugu jira.