Ciidmada Booliska Burco Oo Gacanta Kusoo Dhigay Khamrigii Ugu Tirada Badnaa Iyo Maxkamada Gobolka Togdheer Oo Burburisay
December 17, 2018 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Maxkamada Gobolka Togdheer ayaa maanta xukuntay 506 dhalo oo khamri nooca loo yaqaano (Dry Gin) kaas oo ay ciidamada Booliska ee Gobolka gaar ahaan saldhiga degmada Aadan Saleebaan ay gacanta ku soo dhigeen, Maxkamada ayaa xadhig iyo Ganaax lacageed ku xukuntay dambiilayaashii khamrigaasi iyo gaadhigii siday sidoo kale Maxkamada horteeda ayaa lagu Burburiyey Khamrigaasi.
Ciidamada Booliska ee G.Togdheer ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waday hawlgalo ay kaga hortagayaan Maandooriyaha khamriga, Waxaanay sheegeen in ay hawlgaladaasi sii laba jibaaro doonaan.