Daawo Muuqalka”Madaxweynaha Dalka Jabuuti Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Dalka Somaliya
December 18, 2018 - Written by Berbera Today
Jabuuti(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa qasriga Madaxtooyada ee dalkaasi ku qaabilay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dowladda Faderaalka ee Somaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) oo maalmahii ugu dambeeyey dalkaasi Jabuuti kaga qeyb-galayey shirka laga ga hadlaayey Isbeddelka ka curtay Geeska Afrika.
Kulankan dhex-maray Madaxweyne Geelle iyo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Somaliya Mudane Mahdi-Khadar, ayaa waxa sida oo kale ku wehelinaayey mas’uuliyiin ka kala socdey labada dowladdood, waxaana ay kaga wada-hadleen arrimo badan oo khuseeya labada dhinac iyo weli ba halka uu maraayo geedi socodkii Nabadda ee dalka Somaliya.