Madaxweyne Gaas Oo Maanta Ku Dhawaaqi Doona Go,aan Shacabka Puntland Ka War Sugaayeen .
December 18, 2018 - Written by Berbera Today
Garoowe(Berberatoday.com)-Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu magaalada Garoowe uga dhawaaqo in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweyne ee Puntland doorashada dhacaysa 8-Janaayo sanadka cusub 2019.
Qaban qaabada shaacinta musharaxnimo ee Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn looga dareemayay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.
Sawiro lasoo galiyay baraha ay bulshada ku kulanto ayaa muujinayay warqada casuumaada munaasabada uu Dr Gaas madaxweynaha Puntland ku doonayo in uu ku shaaciyo musharaxnimadiisa doorashada Puntland iyadoona dad badan ay si weyn uga falceliyeen warqadaasi.