berberatoday.com
XOG”Sababta Dawlada Soomaaliya Ay Dalkeeda Uga Mamnuucday Hay’ada Cilmi Baadhista Ee SAHAN Research .
December 18, 2018 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucay Hey’add cilmi baadhis oo lagu magacaabo Sahan Research.

 

Hey’addan ayaa waxaa madax ka ah Matt Bryden oo u dhashay dalka Canada, kaasoo horay isku duwe uga soo noqday Kooxda Monitoring Group.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay in maanta oo taariikhdu tahay 17 December in hey’adda Sahan Research laga joojiyay, lagana mamnuucay dhammaan wixii shaqo ay ka waday dalka, sababo la xidhidha  amniga qaranka, xasilloonida iyo Midnimada dalka.

Waxaa lagu amray dhammaan hey’daha dalka ka howlgala in aanay wax xidhiidh ah iyo wadashaqeyn la yeelan karin Hey’addan, sidoo kale waxaa qoraalka loo diray Hey’addaha Deeq bixiyeyaasha, kuwa Samafalka iyo Qaramada Midoobey.

Matt Bryden oo ah nin aad uga faalooda arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa dalka ka ceyriyay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif sanadkii 2012, xilligaasoo loo jaray Persona non grata, waxaa xilligaas uu soo saaray warbixin muran badan dhalisay oo Madaxdii hore ee dalka lagu eedeeyay inay musuq maasuq ku lug leeyihiin, hantiada ay dhigtaan Bangiyo gaar ah, taasoo dowladdii KMG aheyd iska fogeysay, waxba kama jiraan ku tilmaamtay.

Halkan Hoose Ka Akhriso War Saxafadeedka Somaliya

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews