Somaliland: Guddoomiyaha Shaqo Qaran Oo Shaaciyey Xilliga Imtixaanka Shaqo Iyo Goobaha Lagu Galayo
December 18, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Barnaamijka Shaqada Qaranka Md. Maxamed Xuseen Cismaan oo uu Wehelinayey Gudoomiye kuxigeenka Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Md. Xasan Muxumed Qalinle ayaa si rasmi ah u shaaciyey maalinta ay qaadi doonaan imtixaanka lagu kala saarayo ardaydii soo xeraysatay barnaamijka shaqo qaran, kaasi oo sida uu sheegay ay soo codsadeen tiro dhan 3146 arday dalka oo dhan.
Gudoomiyaha oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa sheegay in imtixaanku bilaabmi doono 22-12-2018-ka. Taariikhdaas oo ku beegan maalinta sabtida dodobaadka innagu soo aadan. Dhanka kale Gudoomiye Maxamed Xuseen Waxa uu sheegay in tiradaa codsadayaasha ah ay ay ka qaadan doonaan 500 boqol ee ugu saraysa tirada gabdhaha soo codsaday barnaamijka iyo dhanka inamada oo noqonaysa 1000 ugu sareeya soo codsadayaasha. Isku geynta labadaa tiro ayaa noqonaysa 1500.