Daawo Muuqalka”Madaxweynaha Jabuuti Oo Walaac Ka Muujiyay Isbedellada Gobolka Geeska Afrika
December 18, 2018 - Written by Berbera Today
Jabuuti(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo hadal a jeediyay xiritaankii madasha Heritage oo maanta lagu soo gaba-gabeeyay caasimadda dalka Jabuuti, ayaa walaac xooggan ka muujiyay is-bedellada ka socda Geeska Afrika, isagoo ku taliyay in la dhawro dalalka gobolka.
Geelle ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo isbedellada ka socda gobolka, balse loo baahan yahay in isbedellada socda laga eego faa’iidooyin iyo wixii dibin-daabyo ah ee ku duugan.
“Waxaa wanaagsan in fiiro dheer loo yeesho waxa ay dunidu rabto iyo sida ay dalalka kale ee gobolku ula fal-geli karaan isbedellada socda,” ayuu yidhi Madaxweynaha waddanka Jabuuti oo ku maahmaahay; ‘Waan Baahanahay Bahallo looma cumo’.