Xildhibaan Farriimo U Kala Diray Madaxweynaha Iyo Xisbiyada Mucaaradka
December 19, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Guddida Deeganka iyo Khayraadka ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee mandaqada,doorka ay Somaliland kaga jirto iyo dhex-dhexaadinta Xisbiyada.
Guddoomiyaha Guddida Deeganka iyo Khayraadka ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Ilaa hadda talaabo fiican ayaa la qaaday, laakiin Siyaasadaha jirta, xaalada uu Gobolku marayo, iyo waxaynu isku haysaana aad bay u kala fog yihiin, waxaa la isku haysto wax ka weyn bay umaddu u baahnayd, ee marka hore ALLE ha inoo sahlo, runtii heerka aynu marayno iyo is bedelka ka socda Mandaqada waa kaaf iyo kala dheeri,ee Madaxweyne waxaa lagaga baahan yahay Siyaasada hufan, oo Xeel dheer, Madaxweyne waxaa lagaga baahan yahay inaad dib ugu noqoto Siyaasadii UDUB,ee dhinaca Siyaasada Arrimaha Guddaha iyo Arrimaha Dibaddaba, Madaxweyne waxaa lagaaga baahan yahay inaad umadda ka saarto go’doonka siyaasadeed ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo dhaxalsiisay, Madaxweyne waxaa lagaaga fadhiyaa in wax walba oo qarabin dib u saxdo, inaad dadkaaga u dhego nuglaato,una cadaalada sameeyso”.