Maxaa Ka Soo Baxay Kulan Ay Saaka Isku Yimadeen Xisbiyada Somaliland Iyo Madaxweyne Ku Xigeenku ?
December 19, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaa saaka madaxtooyada Somaliland ka bilaabmay wajigii labaad ee shirarkii ay iskugu imanayeen xisbiyada Somaliland iyo xukuumada talada haysa .
Shirkan saaka ka dhacay qasriga madaxtooyada Somaliland waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka kala socda Saddexda xisbi qaran oo ay kala hogaaminayaan Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Saylici, Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Jirde iyo gudoomiye ku-xigeenka koobaad ee Xisbiga Cabdi Cabdinaasir Buuni