Qoomiyada Tigrayga Dalka Itoobiya Oo Eedeyn Culus U Jeediyey Danjiraha Mareykanka Ee Somaliya
December 20, 2018 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donalt Yomomoto ayaa lagu eedeeyey inuu doorweyn ku lahaa magacaabista ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed, taasi oo awooddii maamulka dalkaas ka bixisay gacanta Tigrayga.
Saraakiishii hore ee maamulka Tikreega ayaa ku eedeeyay dowladda Mareykanka inay iyaga ka dambeeyeen in talada dalka Ethiopia loo gacan geliyo Abiy Axmed oo Qowmiyadda Oromada kasoo jeeda.
Sarkaal howlgab ah oo ka mid ahaa Maamulkii hore ee Ethiopia una dhashay Qowmiyadda Tigreeda ayaa si cad u sheegay in Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya uu shaqsi ahaan ka dambeeyay magacaabista Dr Abiy Axmed.