Cadadka Lacagtii Xukumada Farmaajo Ku Bixisay In Lafta-gareen Madaxweyne Looga Dhigo Maamulka Koonfur-galbeed Somalia Oo La Soo Bandhigay
December 20, 2018 - Written by admin
Baydhaba(Berberatoday.com)-Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qarash gaadhaya saddex milyan oo dollar ku bixisay sidii Cabdcasiis Lafta-gareen loogu dooran lahaa madaxweynaha Koonfur Galbeed, sida uu sheegay, wasiirkii hore ee Howlaha guud ee Xukuumadda Kheyre, Saalax Sheekh Cismaan.
