Raysal Wasaarahga Israa’il Oo Shaacinaya Arrin Culus Oo Ku Saabsan Boqortooyada Sacuudiga
December 20, 2018 - Written by admin
Israel(Berberatoday.com)-Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa daaha gadaashiisa ka shaqeynaya isaga oo doonaya in la wanaajiyo xidhiidhka u dhaxeeya maamulka Yahuuda Israel iyo boqortooyada Sacuudiga.
Wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaare Netanyahu hadafkiisu uu yahay in la abuuro xidhiidh wanaagsan oo u dhaxeeya labada dowladood ka hor doorashada 2019 ka dhacaysa Israel, waxaana howshaasi ka shaqeynaya madaxa Sirdoonka Israel Yossi Cohen.
Mr Cohen ayaa masuul ka ahaa fududeynta Booqashadii Netanyahu 26-Bishii October uu ku tagay dalka Cumaan, waxaana xiligaasi ujeedada socdaalkiisa uu ahaa inuu dhiso xidhiidhka kala dhaxeeya Sacuudiga.