berberatoday.com
“Mareykanka Wuxuu Suuriya Uga Baxayaa Ruushka Dartii ” + [ Akhriso War Bixin Xogo Badan Shaacisay
December 20, 2018 - Written by admin

Suria(Berberatoday.com)-Dr Axmed Sheekh Maxamed Tiir oo falanqeeya arrimaha caalamka ayaa BBC-da uga warramay waxa xilligan ku soo beegay in ay Mareykanka ka baxaan Suuriya.

 

“Sidaad ogtahay, ISIS waxay noqdeen ururkii ugu horreeyay adduunka ee isagoo argagixiso ah la wareegay dhul baaxad weyn leh. Ciraaq iyo Suuriya ayey dhul ballaadhan ka qabsadeen, markaasi ayey xuduudii isku fureen oo ay hal dowlad ka sameysteen.

Marka waxay ahayd arrin adduunka ku cusub oo ay tahay in lala dagaallamo. Ciraaq waa lagu la dagaallamay waana laga saaray, Suuriyana waxaa kooxdan lagu la dagaallamay 4 waji oo kala duwan, haddana awooddoodii way wiiqantay, laakiin wali shacabka ayey ku dhex milmeen. Marka Mareykanku wuxuu aaminsanyahay in uu dagaalki dhammaaday sidaasna ay ciidankooda kula baxayaan”.

Hase ahaatee Dr Axmed ayaa sheegay in sababta dhabta ah ee Mareykanka uu Suuriya uga baxayo aysan u muuqanin taasi.

“Inta badan Mareykanka ciidammadiisa kama dagaallamaan waddan aan batrool iyo dhaqaale lahayn.

Marka hadda markii Suuriya Daacish laga saaray, sabab uu u joogo ma laha waayo Ruushka ayaa Suuriya gacanta ku haya. Labo khatar oo kaliya ayuu Mareykanku ka ilaalinayay halkaasi, tan koowaad oo ah inuu daacish baabi’iyo, tan labaad oo ah inuu ilaaliyo danaha Israa’iil, maadaama ay Israa’iil xuduud la leedahay Suuriya. Labadii arrimoodba hadda waxaa damaanad qaadaya ciidammadii Ruushka ee meesha joogay. Iiraan iyo Turkiga door weyn kuma laha waxayna ku daba gabadaan Ruushka. Marka haddii uu Ruushka meesha joogo, inta badan isku meel ma wada joogaan ciidammada Mareykanka iyo kuwa Ruushka, waa labo dowladood oo mar walba door bida iney kala wareegsadaan”.

Dalka Suuriya oo dagaal sokeeye ku jiray tan iyo sannadkii 2011-kii ayaa waxaa xaaladdiisa ku lug leh dalal badan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews