Dawlada Mareykanka Oo Taageero U Muujisay Shirkada DP World
December 20, 2018 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Dowlada Maraykanka ayaa ku taageertay shirkada xarunteedu tahay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta ee DP World khilaafka kaladhexeeya dowlada Jabuuti ee dhismaha dekeda Dooraale.
La taliyaha Arrimaha Ammaanka Qaranka ee dowladaMaraykanka John Bolton ayaa ku taageertay DP World khudbad uu ka jeediyay shirka dhacay dalka Jabuti kaasoo ku saabsanaa hay’adda Heritage Foundation.
Bolton ayaa ku taageeray DP World isagoo ka hadlayay qorshaha cusub ee siyaasadda dowlada Maraykanka ee arrimaha Afrika.