“Guurtidu Waa Inay Noo Kordhisaa Muddo Kordhin Raali Laga Hayey ….” Xildhibaan Qabiile
December 20, 2018 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa talo u soo jeediyey Golaha Guurtida, waxaanu ugu baaqay in aanay xiisad iyo xaalad kale oo khilaaf keenta aanay buurin ee muddo kordhin mucayin ah oo la isla ogol yahay raalina laga wada yahay inay u kordhiso Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi
“In ilaa hadda Xisbiyadu hawshooda si fiican bay socotaa, oo waa la isku soo dhawaanaya waana arin fiican, oo loo baahna, in Xisbiyada Mucaaradka iyo Xisbiga taladda hayaana inay wada hadlaan, oo ka heshiiyaan wixii khilaafaad ah ee jirana waa loo baahnaa, laakiin Doorashada wakhtiga ay ku dhacayso sida aan qabo waa la isla eegi doonaa, ee Guurtidu waa in aanay ka dheerayan heshiiska Somaliland, ee dhinaca Doorashada, waana inay noo kordhisaa muddo kordhin raali laga wada hayey mucaarad iyo muxaafidba, wakhti xaasaasiya ayeynu ku jirnaa ee Guurtidu waa in aanay abuurin xiisaad iyo xaalado kale oo muran siyaasadeed ka dhasho,awoodeeda dastuuriga ahna waa in aanay uga faa’idaaysan si aan umadda qancinayan, ee dhinaca wanaagsan ha uga faa’iidaysto, umana taag hayno mar walba doorashooyin dib inooga dhaca, iyo muddo kordhin joogto ah, ”.