berberatoday.com
Dawlada Uganda Oo Taliye Cusub U Soo Magacawday Soomaaliya
December 20, 2018 - Written by admin

Moqdisho(berberatoday.com)-Dowladda Uganda ayaa Taliye cusub u magacawday Ciidankeeda ku sugan Soomaaliya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM, iyadoo la bedelay Taliyihii ciidankaas Paul Lokech.

 

Brig. Michael Kabango oo ahaa Taliyaha qeybta shanaad ee Ciidamada Waqooyiga Uganda ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku sugan.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Uganda ayaa sheegay in Brig. Michael Kabango uu yahay nin qibrad leh oo aad u wanaagsan, ayna rajeynayaan inuu ka qeyb qaato howlaha nabadeynta Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha la bedelay Paul Lokech oo horay u hoggaaminayay howlgalada Al-Shabaab looga saaray Muqdisho iyo deegaanada kale uu ahaa nin geesi ah oo ka qeyb qaatay xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya.

Waxaa horay u jiray cabasho saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya u gudbiyeen Midowga Afrika, kaasoo ka dhan ahaa Taliye Paul Lokech, kaddib markii la isku qabtay awaamiir dowladda dooneysay inuu fuliyo, gaar ahaan qalalaasihii ka dhashay Mooshinkii Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jawaari.

Uganda ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya ciidanka ugu badan ee howlgalka AMISOM, in ka badan 6,000 oo askari ayaa ka jooga Muqdisho iyo Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

 

 

Berberatoday.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews