Madaxweynaha Somaliland Oo Magaalada Wajaale Maanta Kulan Kula Qaatay Madaxweynaha Deeganka Soomalida Itoobiya
December 21, 2018 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu maanta safar ugu baxay magaalada Wajaale ee xuduuda u dhaxeysa Somaliland iyo Dalka Itoobiya
Madaxweyne Biixi ayaa magaalada Wajaale waxaa uu goor dhaweyd kula kulmay o madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar oo isna safar kaga soo kicitimay caasimada deegankiisa ee Jig jiga
Madaxweyne Biixi ayaa dhinaca Somaliland kusoo dhaweeyay Mustafe Cagjar halkaasi oo ay labada madaxweyne kulan ku wada yeelan doonaan.