Wiil 8 Jir Ah Oo Ka Yaabiyay Seynis Yahan Caan Ah
December 22, 2018 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Wiilkan yar oo ka soo jeeda gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa safar 12 saacadood qaatay u galay si uu ula kulmo nin Seynis yahan ah oo uu aad u jecel yahay.
Ajay Sawant ayey u suurta gashay inuu la kulmo Seynis yahankan xiddiga ka ah barta Youtube-ka oo lagu magacaabo Sir Martyn Poliakoff, ka hor inta uusan qoyskiisa fasax ula aadin magaalada Mumbai ee dalka Hindiya.
Prof Poliakoff, oo saldhigiisu uu yahay jaamacadda magaalada Nottingham ee waddanka Ingiriiska ayaa wiilkan yar ee aadka u taageero tusiyay qeyb ka mid ah waxyaabaha la xiriira falgalka seyniska iyo falcelinta ee maadada kimistariga.