berberatoday.com
Akhriso Taariikhda Shaqo Iyo Suxufinimo Ee Wariye Marxuum Cawil Dahir Salaad Iyo 25 Caruura Uu Ifka Kaga Tagay
December 23, 2018 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Dabayaaqadii siddeetanmeeyadii ayuu ale ha u naxariistee weriye Cawil Daahir Salaad ka shaqeynayay raadiyaha dowladda Soomaaliya ee Radio Muqdisho.

Markii uu dalka Soomaaliya burburka galay wuxuu weriyaha ka mid ahaa dhalinyaradii isku dayay dib u soo nooleynta warbaahinta.

Wuxuu soo saari jiray mid ka mid ah wargeysyadii tirada yaraa ee gacanta lagu daabici jiray.

Sanadkii 2000 ayuu Cawil ku biiray idaacaddii iyo telefishinkii Horn Afrik oo ahayd warbaahintii ugu horreysay ee madax bannaan ee dalka Soomaaliya ka hirgasha. Wuxuu sidoo kale qori jiray sheekooyinka gaagaaban.

Wuxuu weriyuhu caan ku ahaa barnaamijka Dood-wadaag oo looga hadli jiray arrimha bulshada iyo xaaladaha taagan.

Xaalada magaalada Muqdisho markii ay xumaatay, bartamihii sanadkii 2005 ayuu weriye Cawil Soomaaliya ka cararay isagoo u guuray qurbaha, halkaas oo uu mihnaddiisa ka sii watay. Isagoo kaddibna ku biiray telefishinka Universal oo uu barnaamijkiisii Dood-wadaag ka sii watay.

Weriye Cawil dhowrkii sano ee la soo dhaafay wuxuu ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu u soo wareegay, wuxuuna aaminsanaa in xaaladda dalka ay soo hagaageyso.

Weriye Cawil Daahir Salaad oo da`diisa lagu qiyaasay 45-sano-jir ayaa ka tegay xaasas iyo carruur badan oo tiradooda Lagu sheegay 25 wiilal iyo gabdhaba isugu jira sida ay  xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa.

Halkan Hoose Ka Dhagayso Aadan Salaamiin Oo Ka Sheekaynaya Taariikhda Marxuum Wariye Cawil Dahir Salaad Sheegayana Inuu 25 Caruura Ifka Kaga Tagay

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews