Xukumada Somaliland OO Albaabada Ulaabtay Mukhaayad Laga Cunteeyo Oo Hargeysa Ku Taala Iyo Sababta
December 24, 2018 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa xalay albaabada iskugu laabtey miqaaxida laga cunteeyo ee Almis oo ku taalla khayriyadii hore ee magaalada Hargeysa.
Wasiirkii hawlaha guud ee Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa sheegay in goobtaas ay xukuumaddu ka dhigeyso Madxafka qaranka ee Somaliland.
Xukuumaddii hore ee Somaliland ayaa goobtan ka kireysay dad shacab ah kuwaasi oo ka furtay miqaaxida hadda albaabada la iskugu dhuftay.