berberatoday.com
Hooyo Si Cajiib Ah Xasuuq Uga Badbaadisay Dad Boqol Qof Ka Badan – Warbixin Xiiso Leh
December 24, 2018 - Written by admin

Rwanda(Berberatoday.com)-Zura Karuhimbi may haysan hub ay isku difaacdo markii ay rag mindiyo iyo baangado ku hubeeysan ay gurigeeda isku weegaareen, kuwaasi oo dalbanayay in ay ku soo wareejiso dad magangalyo ahaan gurigeeda ugu jiray.

 

RUWANDA GENOCIDE - Dagaalyahanada Hutu oo ay garab socdaan Ciidanka Faransiiska 1994.jpg

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hase-yeeshee, waxa ay isticmaashay awood sixir si ay sumacaddeeda u ilaashato. Sumacaddeedii ay ilaashaneeysay iyo cabsidii ay ka qabtay, khatarta nimankan aadka u hubeeysan ayaa u horseedday in haweeneeydan da’da ah iyo boqol qof oo kale ay ka badbadaan xasuuqii ka dhacay dalka Ruwanda, sida ay sheegtay Laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC oo aannu ka soo xigannay Warbixintan.

In ka badan 800,000 oo kale oo u dhashay qowmiyadda Tutsi iyo qaar kale oo badan oo ka tirsan qowmiyadda Hutu ayaa ku dhintay dagaalkii Rwanda ee 1994-tii, waxaana dadkaasi ka mid ahaa wiilkii curadka u ahaa Zura Karuhimbi iyo gabadheeda. “xilligii xasuuqa, waxaan arkay mugdiga qalbiiyada ragga.”ayay tidhi Zura, sida ay BBC baahisay.

Zura Karuhimbi WAXAY XASUUQ KA BADBAADISAY DAD BOQOL RUUX KA BADAN 1994

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hubka kaliya ee ay Zura haysatay waxuu ahaa, in ay cabsi galiso dagaalyahanada doonayay in ay laayaan dadka maganteeda ku jiray. Waxa ay ku dhihi jirtay waan idin sixrayaa adinka iyo qooyskiinaba. Sidaas ayna uga baqi jireen.

Markaa wixii ka dambeeyay, laba qol oo yar yar oo ay tuulada Musamo ku lahayd Karuhimbi ayaa waxa ay qowmiyadda Tutsi-ga iyo xitaa 3 qof oo yurub u dhalatay u noqotay goob ay naftooda ku badbaadsadaan.

Tobaneeyo qof, waxa ay isku qariyeen sariirteeda hoosteeda iyo meelo ka mid ah saqafka kore ee gurigeeda. Dadka qaar ayay waxa ay sheegeyaan in meela ka mid ah gurigeeda ay godad uga qodday, halkaasi oo ay dadka isku qarinayeen.

Qaar ka mid ah dadkii gudaha guriga Zura ku jiray waxaa ka mid ahaa carruur da’yar oo laga soo uruuray iyagoo weli saaran dhabar hooyooyinkooda oo meyd ahaa. Karuhimbi waxa ay ka soo jeeddaa qowmiyadda Hutu oo ah qowmiyadda ugu badan dalka Rwanda.

Karuhimbi waxa ay maalintii Isniinta ahyd ku geeriyotay tuulo hal saac looga socda magaalo madaxda dalka ee Kigali. Ma jirto cid xaqiijin karo da’deeda saxda ah. Balse iyada tiradeeda waxa ay leedahay in ay sheegeysaa 100 sano, inkastoo ducumiintiyo qaarna ay qorayaan in ay da’deedu ku dhaweyd 93 sano.

Si kastaba ha ahaatee, markii ay dagaalyannada Hutu imanayeen tuuladeeda, gabadh yar may ahayn, balse si maskaxiyan ah ayey u adeegsatay waxa keliya ee ay u arkaysay inay ku cabsi gelin karto kuwa doonayey inay xasuuqaan dadka Illaahay ku guuleeyey inay badbaadiso.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews