Daawo Muuqalka”Proffesor Cabdi Cali Ka Hadley Xil Ka Qaadistiisa Sir-na Fashiliyey ..” Gudoomiye Kulmiye Waxaa Laga Dhigayaa…”
December 24, 2018 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Prof Cabdi Cali Jaamac oo ka mid ahaa saddex masuul oo maanta xisbiga Kulmiye laga saarey ayaa waxaa uu ka Hadley sida uu u arko in xisbiga laga saaro .
Prof Cabdi Cali ayaa kashifay in la wado qorshe gudoomiyaha ku meel gaadh-ka ah ee xisbiga Kulmiye loogu magacaabaayo Md Axmed Cabdi Dheere oo iminka ah gudoomiye ku xigeenka Labaad , waxaana uu sheegay in la rabo in la dhaho saddexda xisbi ba Garxaajis ayaa gudoomiyayaal ka ah
Sidoo kale Prof-ka ayaa sheegay in aanu sidaas kaga hadhin doonin in xibsiga Kulmiye laga saaro oo uu maxkamad la gali doono , Gud Axmed Cabdi Dheere-na waxaa uu ku eedeyey in isagu u baahan yahay in la anshax mariyo mar hadii uu Mobile-ku dhuftey gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe