Madaxweyne Trump Oo Booqasho Ku Tagi Doona Dalka Turkiga Iyo Wakhtiga Uu Ku Beeganyahay
December 25, 2018 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Sarkaal Turkish ah ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump uu aqbalay casuumadda madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee ah inuu dalkaas booqdo.
Ibrahim Kalin, oo ah afhayeenka madaxweynaha Turkiga, ayaa kadib kulankii golaha wasiirada dalkaas ee Isniintii sheegay in Trump uu doonayo inuu safarkaas galo sanadda 2019, hase yeeshee weli aan waqti rasmi ah la goyn.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa xaqiijiyey casuumadda Trump uu Turkiga ku booqanayo 2019-ka, waxaana qoraal uu ku yidhi “Inkasta oo weli wax rasmi ah la qorsheyn, madaxweynaha waxa uu diyaar u yahay kulan dhaca mustaqbalka”