“Waxaan Ka Cabsi Qabaa In Natiijo Al-Shabaab Ka Daran Inay Ka Dhalato Soomaaliya…” C/Raxmaan C/Shakuur
December 25, 2018 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa walaac ka muujiyay xaalada Soomaaliya ee xilligan.
C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in faragelintii dowladda Itoobiya ku sameysay Soomaaliya sanadkii 2016 ay ka dhalatay in Al-Shabaab sameysmeen.
Waxaa uu sheegay in cabsi weyn uu ka qabo in natiijo ka daran Al-Shabaab ay ka dhalato Soomaaliya, taasoo uux usay in saan-saanteeda muuqato.
Ma sheegin natiijadaas iyo halka ay ku qotonto, balse biyaha dhaca warkiisa ayaa ahaa heshiiska saddex geesoodka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ee is dhex galka ah.