Wasiir Ka Mid Ah Dawladda Eratariya Oo La Gaadhsiiyey Dhaawac Sababay In Dalka Dibeddiisa Loola Cararro
December 26, 2018 - Written by admin
Asmara(Berberatoday.com)-Wasiirka Macdanta dalka Eritrea General Sibhat Efrem oo ah shaqsi saameyn badan ku leh xukuumadda Asmara, ayaa lagu warramayaa in si xun loo dhaawacay.
Wasiirka ayaa la sheegay in Qof hubeysan uu ku toogtay meel aan ka fogeyn gurigiisa magaalada Asmara, waxaana wararka la helayo sheegayaan in nin hubaysan uu u gabbaday ka dibna dhaawac culus gaadhsiiyay.
Ciidamada ayaa markii danbe la sheegay in ay qabteen ninka Wasiirka dhaawacay, walina ma jiro wax war ah oo dowladdu ka soo saartay dhaawac loo geystay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta dalkaasi.