Israel Oo Weerar Ku Qaadey Qaaday Dalka Suuriya
December 26, 2018 - Written by admin
Telviv(Berberatoday.com)-Dhawaaqa qarax ayaa laga maqlay caasimadda Suuriya ee Dhimishiq, militariga Suuriya waxay sheegeen in diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay duqeeyeen goob hubka lagu keyddiyo oo ku taalla magaalada Dhimishiq.
Saraakiil ka tirsan militariga Suuriya ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in gantaallada lala beegsaday bakhaarka hubka isla markaasna saddex askari ay ku dhaawacmeen duqeynta.
Dowladda Suuriya waxay sheegtay in la qabtay inta badan gantaallada lagu soo ganay.