Madaxweyne Farmaajo Oo Mid Ka Mid Ah Macalimiinta Jaamacadda Hargeysa U Magacaabay Garsoore Maxkamada Sare Ah
December 26, 2018 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa mid ka mid ah macalimiinta jaamacadda Hargeysa, wuxuu u magacaabay garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya.
Cabdiqaadir Idiris Ciise, oo dhalasho ahaan ka soo jeeda magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu ahaa macalin ka tirsan jaamacadda Hargeysa, gaar ahaan qaybta sharciga, waxaanu noqonayaa masuulkii saddexaad ee ka tirsanaa jaamacadda Hargeysa oo uu Farmaajo u magacaabo xil.