“Wasiirka Warfaafinta Somaliland Xogogaal Uma Aha Wacyiga Warbaahinta …“ Saxafi Maxamed Baashe Xaji Xasan .
December 28, 2018 - Written by admin
Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelintu waxa muuqata in aanu xogogaal u ahayn warbaahinta madaxabannaan iyo waayaheeda. Waayo ma aanu barbardhigeen wadhato suuqa wax ku iibisa oo kharashka joogtada ah ee ka baxaa ka yar yahay kharashka ka baxa TV marka la eego waxsoosaarka labada meheradood iyo kharashyada baxa. TV-yadu waxa ay bixiyaan lacago badan oo joogto ah oo mararka qaarkood xilliyada qaar kabitaan u baahda sida:
- Airtime qaali ah (satellite)
- Kiro guri oo aan sahlanayn
- Laydh, biyo iyo internet
- Lacag shaqaale oo ah (mushahaaro ama khidmad)
- Qalab si joogta ah dayactir ugu baahan
- Shiidaal iyo stationary joogto ah iwm
Sidaas oo ay tahay ilaha kharashku ka soo galaa ma badna.