Maxkamada Hargeysa Oo Xukuno Ku Riday Raggii Loo Haystay Inay Sheegteen Maayarka Iyo Maayir Ku Xigeenka Degmooyinka Hargeysa Ah
December 28, 2018 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamadda gobolka Maroodijeex waxay maanta xukuno kala duwan ku riday odayaashii loo haystay inay sheegteen maayarka iyo maayir ku xigeenka caasimada Hargeysa oo in muddo ah ku xidhnaa eedaymahaasi.
- Caaqil Xasan waxaa lagu xukumay afar sano oo xadhig ah.
- Xuseen Shabeel waxaa lagu xukumay saddex sanno oo xadhig ah.
- Xasan Kaam-liibaan waxaa lagu xukumay laba sanno oo xadhig ah.
- Cabdiqani Madoobe xoriyadiisa ayaa dib loogu celiyay kaddib markii loo waayay wax dambi ah.
