Dawlada Eritrea Oo Ka Hadashay Warar Sheegaya In Ciidamo Ay Usoo Direyso Muqdisho
December 28, 2018 - Written by admin
Asmara(Berberatoday.com)-Dowladda Eritrea ayaa beenisay warbixin ay qortay jariidadda Indian Ocean Newsletter oo lagu sheegay in Eritrea ay ciidamo u direyso dalka Soomaaliya, kuwaas oo tagi doona magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Eritrea ayaa lagu yidhi “Daabacaadeedii 21-ka December (No 1488), Indian Ocean Newsletter waxa uu qoray ‘In madaxda Ethiopia iyo Eritrea ay dhiggooda Soomaaliya u muujiyeen sida ay diyaar ugu yihiin inay beddelaan ciidamada Amisom marka ay dalka ka baxaan 2021…Eritrea waxa ay qorsheeyneysaa inay 5,000 askari oo tegaya Soomaaliya ay dirto bisha Fabraayo’”