Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Qorsheynta Somaliland Oo Booqasho Xograadina Ugu Tagay Dhalinyaradii Reer Somaliland Ee Ka Badbaaday Doontii Dagtay Ee Lagu Hoobtay Oo Giriiga Kusugan
April 24, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatyoday.com)-Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland iyada oo ka duulaysa Masuuliyada ka saaran Muwaadiniinteeda meel kasta oo ay dunida kaga sugan yihiin, isla markaasna gudanaysa Waajibka ka saaran Muwaadiniintii Somaliland u dhashay ee ay dhibaatadu ka soo gaadhay Doonidii kasoo baxday Dalka Masar ee ku Qarraqantay Badweynta Mediterranneanka, waxa ay Xukuumadu Dalka Giriiga u dirtay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed waxana uu la kulmay dadkii ka badbaaday Doonidaas oo tiradooda guud ay tahay 41 qof oo isugu jira Dad u dhashay Somaliland, Soomaaliya, Itoobiya, Masar iyo Suudaan.