berberatoday.com
Farmaajo Iyo Beeshiisa Marrexaan Oo Ka Wada Hadlay Dagaal Ay Kusoo Qaadaan Beesha Sacad Ee Hawiye
December 29, 2018 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Halka ay isaga darsoomaan labada gobal ee Mudug iyo Gal-Gaduud waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya labada beelood ee Mareexaan iyo Sacad. Ilaa hada waxaa lasoo wariyay khasaaro weyn oo ka dhashay dagaalka.

Labada dhinac ayaa kala sheegtay guulo. Iyadoo ay dhinac walba sheegteeen iney hayaan gaadiid iyo maxaabiis. Si gaar ah beesha Sacad ayaa sheegatay guulaha ugu badan ee dagaalkaas.

Xalay waxaa Villa Soomaaliya isku arkay madaxweyne Farmaajo iyo xubnaha kale ee beeshiisa Mareexaan ku matala Dowlada dhexe, waxaana kulankaas looga hadlay dagaalka Kaxandhaale iyo tuulooyinka ku teedsan.

Xildhibaanada Mareexaan ayaa la sheegay iney diyaar u yihiin dagaal toos ah iyo is balaarin, waxaana ay Farmaajo weydiisteen hub iyo daawo, iyadoo la sheegay in arrintaas uu madaxweynuhu aqbalay.

Maanta ayaa la filaya in Cabduwaaq loo diro hub iyo daawo u gaar ah beesha Mareexaan. Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan agaasime kuxigeenka guud oo la yiraahdo Cabdirisaq oo ah nin Mareexaan ah ayaa loo xilsaaray shaqadaas.

Arrintaan ayaa ceeb weyn ku ah Farmaajo, xildhibaanada Mareexaan ayaa sheegay inuu dagaalka abaabulaayo Xaaf, iyagoo sheegay ineysan jirin sabab ay dagaalkaas uga baaqsadaan.

Itoobiya ayaa la sheegay iney ciidamo soo dhoobtay xuduudka ay la wadagto Gal-Mudug kadib markii uu dagaalku dhankeeda ku durkay shalay.

Labada beelood ayaa dhowr jeer oo hore ku dagaalamay halkaas, laakiin waxaa yaab ah in madaxweynihii Soomaaliya uu beeshiisa la saftay.

 

 

 

Sources Guuxa Online

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews