berberatoday.com
Cilmi-Baadhis Yididiilo Ku Abuurtay Dadka La Nool Xanuunka Macaanka
December 29, 2018 - Written by admin
Cilmi-Baadhis Yididiilo Ku Abuurtay Dadka La Nool Xanuunka Macaanka
Berbera(Berberatoday.com)-Saynisyahanno Maraykankan ah ayaa daaha ka fayday dawo cusub oo la yidhaahdo “Harmine” taas oo lagu xakamayn karo xanuunka Macaanka labadiisa noocba. Cilmi-baadhayaal ka tirsan waaxda caafimaadka ee Hospitalka Mount Sinai oo ku yaalla New York ayaa sheegay in dawadani ay tarminayso unugyada Insulin-ka soo saara, taasina ay dawo wax-ku-ool ah u noqo karto Macaanka.

Dadka qaba xanuunka macaanka ayaa waxaa ku yar unugyada ku jira ganaca (Pancreas) ee Beta kuwaas oo ka masuul ah soo saarista Insulin oo marka ay soo saari waayaan xaddigii loo baahnaa ee Insulin ay kala dhantaalmayso awooddii ay ku maamuli lahaayeen Sonkonrta Julukoos.

Kooxda cilmi-baadhista samaysay ayaa daaha ka fayday in dawada Harmine ay carinayso unugyada Pancreas-ka si uu u toban jibbaaro Xaddiga Insulin-ka ay soo daayaan unugyadiisa loo yaqaano Beta. Khubarada ayaa intaas ku daray in marka uu qofku isticmaalo Harmine iyo dawo kale – oo loo adeegsado xoojinta korriinka lafaha- ay taasi 40 jeer kordhiso xaddigga Insulin-ka. Haddaba sida uu sheegay wargayska Dailymail daawadan Cusub ayaa ku jirta marxaladdii tijaabada,

balse cilmi-baadhayaasha ayaa tibaaxay in ay horseedi karto guul wayn oo laga gaadho daawaynta xanuunka macaanka labadiisa noocba.
Dhanka kalena khubaradu waxay ka digeen in haddii macaanka la iska dawayn waayo laga dhaxli karo waxyeelooyin caafimaad oo ay ka mid yihiin hawl-gabka kelyaha, xanuunada wadnaha, maskax iskaagga iyo indho la’aan. Tixraac: Alarabiya.net-

 

 

Berberatodayu.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews