Dawlada Turkiga Oo Ergay Cusub U Soo Magacowdey Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya
December 29, 2018 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawlada Turkiga ayaa waxaa ay ergay gaar ah u magacowdey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo hada ku jira hakad sidaas waxaa wargeyska Geeska Africa u xaqiijiyey Ilo diblomaasiyadeed oo xogogaal ah .
Danjire Dr Olgan Bakar oo ahaa safiirkii Turkiga u qaabilsanaa Somaliya oo ay bishan ka dhamaatey mudaadiisii xil hayneed , ayaa markii uu ku noqdey dalka Turkiga waxaa loo magacaabey Ergayga cusub ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya .
Safiirka Somaliya u qaabilsan Turkiga Danjire Jaamax A. Maxamed ayaa danjire Olgan Bekar ku bogaadiyay xilka loo magacaabay , waxaana farriin uu diblomaasigan Soomaliga ahi ku qoray bartiisa Twitter ka ku sheegay in dawlada Somaliya ay danjire Dr Olgan Bekar ka tageeri doonto hawsha cusub ee wada hadlaada Somaliland iyo Somaliya ee lo magacaabey