Chief Engner Xuseen Axmed Khayre Oo Ah Khabiir Ku Takhasusay Cilmiga Bada Iyo Maraakiibta Oo Ku Baaqay In La Badbaadiyo Jaamacada Culuumta Bada Ee Berbera
December 30, 2018 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Chief Engneer Xuseen Axmed Khayre oo kamida Macalimiinta Jaamacada Cilmiga Bada ee Berbera Islamarkaan ah khabiir aqoon buuxda oo mudo dheer ah uleh shaqada Cilmiga Bada iyo maraakiibta ayaa ka dayriyay xaalada ay ku sugantahay Jaamacada Cilmiga Bada Ee Berbera Martime Colege, Waxaanu sheegay Chief Engneer Xuseen Axmed Khayre in loo baahanyay in la badbaadiyo Jaamacada Cilmiga Bada ee Berbera isaga oo sheegay in maamulkii Jaamacadu gacanta ugalay dad uu ku tilmaamay inaanay waxba ka aqoonin Cilmiga Iyo Culuubta Bada dhawaana ay soo dhisi doonaan gudi hagi doonta Jaamacada Cilmiga Bada Berbera.
N.B. Aqoontii baddu sidii ayay u socotaa duminna meyso Kulliyadu laakiin wax soo saarkeegu wuxuu la mid noqonayaa kuwii hore ee ay soo saareen waana khasaare aan macquul ahayn. Sidaa darteed, guddidii Kulliyadda iyo maamulkanba waxan leeyahay ducaqabayaal nabadeey.
Aqoonta badda iyo baahidii dalka ayaa is ku muuqday ee intii aan aqoon badeed lahayneey, Good bye.
Sida ugu dhakhsiyaha badan ayaanu u dhisi guddi, u sameyn sharci, u dhisi istrakjar, waxana ka qayb noqon:
Ch.Eng. M. Col Hussien A Khaire