Kaadiriin Kulmiye Laga Caydhiyay Oo Isku Diyaarinaya Mucaaridad Culus Iyo Xaruntii Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Oo Shalay Lagu Duceeyay, Xoolana Lagu Qalay
December 31, 2018 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Iyadoo aad loogu dhegtaagayo halka uu ku dambayn doono Guux xoogan oo ka dhex socda Xisbiga Kulmiye dhexdiisa kaasi oo sugi kari la’ Shir weynaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo lasheegay in loo qoondeeyay inuu qabsoomo bilawga sanadkan Cusub ee maalinta bari ah bilanaya ee 2019-ka, ayaa waxa durba la dareemayaa abaabulo iska soo horjeeda oo si gooni gooni ah ay u qabsanayaan dadyaw iyo siyaasiyiin kala afkaar ah oo ku kala jira Xisbiga Kulmiye iyo kuwo iyaga dhawaan laga caydhiyay Xubinimadii Xisbiga Kulmiye.