“Reer Puntland Oo Soomaalida Kale Dilaalidooda Aad Ugu Xarfaan Ahi Tollow Turubkii Ma Dib Bay Hadana U Baandhaynayaan”?Cali Guray.
December 31, 2018 - Written by admin
PUNTLAND: Ka Rogoo Hadana Saar
“Dhaqanka Somalida qof kastaa waa ku marti guri kasta oon ahayn gurigiisa. Soomaalidu waa shan guri nin maamuli kara guri aan kiisa ahaynina ma jiro. Cali Ciise Cabdi Puntland maaha gurigiisii ee bal aan sugno hadii la doorto sida uu wax yidhaa. Kolay dan ugu jirta reer ahaan Dhulbahante anigu ma arko wax kalena soo kordhin maayo ee dad siyaasad ahaan marka horeba qaybsanaa ayuun buu sii qaybin doonaa. Khatarta ugu waynina waa in carro Dhilbahante u rogo goob dagaal isaga oo Majeerteen ay dabada ka soo riixayaan. Markaa insha Allah noqon maayo Cali Ciise Cabdi Madaxwaynaha Puntland.