40 Askari Iyo Gaadiid Ay Wataan Oo Ka Soo Goostay Jabhadda Uu Hoggaamiyo Kornayl Caarre Oo Maanta Lagu Soo Dhaweeyay Gobolka Sanaag
December 31, 2018 - Written by admin
Dararweyne(Berberatoday.com)-Masuuliyiin Katirsan Xukuumadda Somaliland ayaa waxa ay Deegaanka Dararweyne ee Gobolka Sanaag maanta ku soo dhaweeyeen tiro ka badan 40 Askari oo ka soo goostay Jabhadda uu hoggaamiyo Kornayl Siciid Cawil Caarre, ee fadhigeedu yahay Puntland gaar ahaan Deegaanka Qardho.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag iyo saraakiil ka tirsan ciidammada millateriga Somaliland ayaa soo dhaweeyay askarta.